Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada Garba Ciise kaas oo u dheexeeyo Soomaalida iyo Canfarta, sida ay sheegeen dad goob joogayaal oo ku sugan aagga uu dagaalka ka dhacay.
Wararka waxay intaa ku darayaan in dagaalkan uu u dhexeeyo xoolo dhaqatada soomaalida ah iyo maleeshiyaad ka soo jeedo deegaanka Canfarta, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii Xolo dhaqatada Soomaalida oo kaashanaya Ciidamada dowlad degaanka ay weerareen halka uu dagaalka ka socdo oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Canfarta.
Wararka laga helay dagaalka ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa iyo inta la xaqiijiyay dagaalka ay ku dhinteen 10 Ruux oo labada dhinac ah, in ka badana ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena weli la maqlayo rasaas goos goos ah.
Magaalada Garba Ciise waxay dhacdaa jidka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti.
Shaley ayay aheyd markii Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggaanka aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.
Hadalkan ayaa imaanaya kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay halkaasi weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.