faafaahin:Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Mudug

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay Sawdii Dhexe waxaa ay dad Shacabbah ku dileen degaan lagu magacaabo, Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay laba Ruux halka mid kale lagu dhaawacay,isla markaana dadkaasi la rasaaseeyay xilli ay ku sugnaayeen Hoygooda.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in la rumaysanyahay in weerarka uu la xiriiro aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka jiray degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Dhagxanya-cadde oo ku dhow degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dadka Shacabka ah ee la dilay