Ugu yaraan Saddex diyaaradood oo ay kireysay Villa Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaaqyo siyaasadeed oo ku aadan 16-ka kursi ee aqalka hoose ee yaalla degmadaas.
Sida ay dadka deegaanka u sheegeyn warbaahinta , diyaaradaha laga dajiyey Garbahaarey ayaa siday odayaal dhaqameed maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa mid ka mid ah hoteella magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sida xogta sheegeyso, odayaasha dhaqanka ayaa lala kulan-siiyey hogaanka dhaqanka iyadda oo ay wehliyaan saraakiil taabacsan Villa Somalia oo ku sugan magaaladda Garbahaareey.
Xildhibaan hore Cabdullaahi Cabdulle Magan (Bood) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa uu sheegey in aggaasimaha NISA Fahad Yasiin uu fashilinayo dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble maantana uu odayaal ku xir-xirey Gedo, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in musharixiin u raadinayay gudoomiyaha Garbahaareey lagu celiyay magaaladda Muqdisho diyaaradaha lagu wargaliyay inaysan ka qaadi karin magaaladda Muqdisho.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Maanta tagay Magaalada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku sugan deegaankaas.
Sidoo kale, talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Jubaland ay Khamiistii u diidey lataliyaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo in uu ka dego Kismaayo kuna eedeysay “in uu magaalada u waday hub sharci darro ah iyo khalkhal gelin”.
Cali Cabdi Raage, oo musharax u ah kursi degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa cambaareeyay falkaas waxaana uu ku eedeeyay hogaanka Jubaland in ay kasoo horjeedaan musharaxnimadiisa.
Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xoogiisa isugu geynayo sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa 16-ka kursi ee taalo Garbahaarey, wuxuuna horey ciidamo badan u geeyey Gobolka Gedo si uu awood Militari ugu isticmaalo doorashada.
Jihada cusub ee khilaafka xukumadda iyo Jubbaland ayaa la rumeysan yahay in ay dib-u-dhac horleh ku keeneyso doorashooyinka la filayey in ay wadanka ka qabsoomaan dhowaan, waxaana ay soo kordhineysaa hubantii la’aantii ka taagneyd in coddeyn nabadeed dalka ka dhacdo.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com