Janaraal Xuud oo ka hadlay dagaalka Beledweyne

Janaraal Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle, isla markaana ciidamo taabacsan iyo kuwa Hirshabeelle ay saakay ku dagaallameen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaalka iyo waxa dhaliyay.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu ka dhashay kaddib markii dhowr iyo toban wasiir oo yimid Beledweyne ay doonayeen inay shir ku qabtaan magaalada, isagoo sheegay inay isku ogaayeen inaysan soo gelin magaalada.

Wuxuu sheegay inay sii ogaayeen in madaxweynaha Hirshabeelle iyo xubno kale ay ku sugan yihiin magaalada.

“Lama galaay kama soo bixi jirin, xabsi kor ka furan ayay noogu jireen, wax dhaqaaq ah ma lahayn,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in wasiirrada uu sheegayay inay doonayeen inay magaalada shir ku qabtaan ay isku dayeen inay awood adeegsadaan, isaha sheegay in dhankooda ay dagaalka kaga dhaawacmeen labo askari.

Wuxuu sheegay inaysan oggolaan doonin inay diyaarad ku soo degto magaalada, “Ciidanka AMISOM waxaan u sheegeynaa haddii ay diyaarad soo degto inay qarxeyso,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“Diyaaradihii waxay noqdeen kuwo Hirshabeelle u shaqeeya,” ayuu intaas ku daray.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa federaalka ay tageerayeen kuwa Hirshabeelle, balse anaga taasi ma aqbaleyno maan yeeleenyo in hirshabeelle sidii ay doonto ay naga yeelato ayuu yiri” Janeraal Xuud.

Dad kala duwan oo ku sugan Beledweyne ayaa  sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dagaalka inkasta oo aanan si rasmi ah oo loo ogeyn khasaaraha ka dhashay welina xiisad dagaal laga dareemayo magaalada Beledweyne

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com