Siyaasadu waa shax lagu ciyaaro waayo aragnimo iyo khibrad dheeraad ah si aad guul uga gaadha , qofna kuma filna qalin iyo buug wax loogu dhigey oo kali ahi , waa in aad fahmi kartaa sida looga fekero ee loogu nool yahay meesha aad ku uuman tahay .
Bilowgii hore isaga oo ka faaiideysanayey khibradiisii ciidan iyo waayihii ku soo maray Badame ayaa waxa uu qaatey go’aan taariikhda ku suntan oo ahaa kii nabada ee Erateria , waxaana uu soo af jaray colaad ku dhaweyd in ay siddon jirsato , waxa uu la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday, waxa uu sii daayey maxaabiistii siyaasada u xidhnaa oo kumayaal ahaa , halkani waxa ugu jirey dawladiisa dhawr faaiido iyo khatar ba isugu jirey.
1- Ereteria waxa ay ahayd xudunta mucaaridka Ethiopia oo qoomiyad walba leh oo jabhado fadhiyaan waliba taageero ay la garab taagan tahay dawlada Erateria taasi oo halis ku ahayd jiritaanka Ethiopia, nabadeedu waxa ay soo dhaweysay Ethiopia xasiloon.
2- Waxa ay jiheysay kacdoonkii gudaha dalka ee qoomiyada oromada oo joogsan la’aa , iyo guux badan oo ka jirey dawlad goboleedyada Ethiopia in uu soo yaraado , oo uu yimaado aragti kale oo cusubi.
3- Waxa ay isbadel aan la fileyn ku sameysay siyaasadii Ethiopia ee sida wax isaga badelaan ay adkayd oo u dhaqaaqday dhinaca fur-furnaanta iyo nabad kuwada noolaansho gobolka ah .
Maxaa khataro ku dhex jirey heshiiskaa Erateria iyo sii daynta maxaabiista siyaasadeed iyo soo xerogalintii jabhadaha?
Sadex arimood waxa ay si toos ah uga hor imanayeen aragtidii iyo siyaasadii xukuumadii EPRDF ee TPLF gadhwadeenka ka ahayd intaniba waxa ay khatar ku noqdeen qoomiyada Tigray maamulkoogii oo u arkayey ;
1- Dhulkii Ethiopia iyo Erateria ay ku dagaalamayeen in uu yahay dhul Ethiopia leedahay oo ay gaar ahaan qoomiyadoodu xaq u lahayd kuna xoog iyo xoolaba beeleen in dhayal la isaga bixiyey.
2- Sii daynta maxaabiista siyaasadeed oo uu xidh-xidhay maamulkoogii oo marka ooda laga qaadey ay u arkeen suuqa ha lagu kala aargoosto.
3- Jabhadaha ay dagaalka kula jireen 27 ka sanadoodba oo lala heshiiyey waxa ay tustay in iyaga loo jeedo oo aragtida Abiy Ahmed tahay raad sameysasho iyo raad masaxid wada socda oo ku lid ah qoomiyada Tigray.
Talaabooyinka intooda ugu badan markii uu Raisal wasaare Abiy Ahmed qaadayey caalamku dhamaan way ku garab taagnaayeen waana lagu bogaadiyey waxa uu u muuqday qorax Geeska Africa ka soo baxday oo la wada arkay .
Halkaasi iyada oo la isla marayo ayaa qoomiyada Tigray laga sifeeyey taladii dalka oo dhamaantood lagu suntay waxii Ethiopia ka dhacay qaladaad 27 ka sanadood ee ay talinayeen madaxda ka soo jeedaa in iyaga madaxa loo saaro, waxa markiiba bilaabmay aargoosi siyaasadeed oo lagu beegsanayo saraakiishii Tigray , dabadeedna way colaad qaateen waxaana ay isku urursadeen gobolkoogii si ay uga badbaadaan qorshaha Abiy soo degay ee ah in Ethiopia oo dhan farta loogu fiiqo iyaga waxii xumaan dhacday.
Waxa ay galeen diyaar garow siyaasadeed xiliga doorashada si Abiy Ahmed ay meesha ugala wareegaan maadaama uu yahay ku sime doorashada gaadhsiinaya iyagana uu jiritaankooga ku noqday dhib iyo hadimo ku soo wajahan oo ay tahay in ay deg-deg isaga badbaadiyaan.
Dhibtu waxa ay si cad uga bilaabantay Tigray iyo dawlada Ethiopia dhexdooda xiligii doorashadii mudatsnayd Aug 2020 oo uu Abiy Ahmed sheegay in uu #covid19 awgii dib ugu dhigey mudo, Tigray waa ay diideen waxaana ay qabsadeen doorasho, dagaalka siyaasadeed iyo in wadashaqeyntii laga jaro ayaa halkaasi ka soo bilaabantay ilaa dagaalo lagu hoobtay iyo duqeymo lagu weeraray deegaanada Gobolka waqooyi ee Tigray oo barakac iyo burbur hanti iyo nafoba lagu beelay uu meeshaasi ka dhacay.
Abiy Ahmed muxuu qalday?
Dagaalka siyaasadeed ee aduunka ka jiraa waxa uu ku fadhiyaa diblomasiyad iyo dano la kala jiidanayo, Ethiopia iyo dawlada Maraykan markii aanu ogaanay halka ay kala taagan yihiin waxa ay noqotay markii qadiyada biyaha Nile ka uu ka hadlay maraykanku oo uu si cad u taageeray dawlada Egypt.
Halkani dhawr wax ba waa loo fasiran karaa oo kala ah;
1- Xidhiidhkii diplomaasiyadeed ee ka dhexeeyey xukuumadii hore ee Ethiopia iyo USA in aanu noqon xidhiidhka xukuumada Abiy Ahmed gadhwadeenka ka yahay.
2- China oo tartan kula jira USA ayaa Ethiopia aad u dhex galay, arrimahani waxa ay u eeg tahay in khilaafaadka danaha dawladaha waaweyn ay Ethiopia Maraykanku kaga hor yimid.
3- Deg-degii ku jirey Abiy Ahmed iyo aragtidii Abiymania oo dadka gobolka fajiciso ku noqotay iyo in dalal iyo qoomiyadaba wax la isaga weydiiyo waxa uu la soo socdo maamulka Abiy Ahmed iyo qoomiyada Oromia oo si qamuunyeysan.
Arimahani dhamaantood waxa ay fududeeyeen bal in loo fiirsado dhamaan siyaasada iyo dawlada Ethiopia xulafooyinka ay wadato iyo ujeedooyinka ay leedahay, oo il gaar ah dariska iyo duniduba isaga eegaan.
Dagaalkii uu ku qaadey Tigray ayaa noqday dabinkii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee uu ku dhaco, waliba isaga oo isku dhiibey qoomiyada amxaarada oo ay xad la leeyihiin Tigray , taasi oo u eeg aargoosi siyaasadeed in ay rabeen amxaaradu oo ay ka soo gudanayaan intii ka dambaysay taliskoogii dhergiga waxii ku dhacay.
Aduunku waxa uu guud ahaan ka soo horjeestay dagaalka gobolka Tigray oo barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur aan yareyn sababey kaasi oo ay ka qayb galeen dhowr wadan oo huwan ahi si loo xanuujiyo dadka gobolkaasi oo cidiba dano gaar ah u daba socoto.
Isku soo wada xoori Abiy Ahmed waxa uu qalday;
1- Dagaalka ayuu u fahmay in uu qoriga oo kaliya iyo awooda kursiga yahay, waxaanu kaba fekerin dagaalka diplomaasiyadeed waxa uu u diyaarsadey oo ah maanta kan ugu xooga weyn aduunka.
2- Dad wada aargoosanaya ayuu isku wareejiyey oo isagana dhiig faraha u galiyey dalkii Ethiopia na wiiqay meeqaamkii uu aduunka ka taagnaa.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com