Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo u Ololeeynta ee Samo Ugaas Aweeys Xuseen Huneero ayaa ka Tacsiyadeeyay geerida Dhalinyaradii ku geeriyootay qaraxii dhawaan ka dhacay Xerada Tababarka Ciidanka Jeneraal Dhego badan Exwarshadii hore ee Nac Naca waxa uuna u rajeeyay Dhamaan intii ku dhimatay kuna dhaawacantay qaraxaasi in naxariisto Jano uu Alle ka waraabiyo.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbiga (Samo ) Ugaas Aweys Xuseen Huneero ayaa uga mahad celiyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble’ Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ‘ Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaiyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi booqashadii ay ugu tageen Cisbitaalka Madiina Dhalinyaradii ku dhaawacantay Qaraxaasi iyo Balan qaadkii ay u sameeyeen
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaaday in Dhalinyarada dhaawacan ee ku jirta Isbitaalka Madiina kuna soo dhaawacantay Qaraxii ka dhacay Afaafka hore Xerada Tababarka Ciidanka Jeneraal Dhego badan Ex Warshadii hore ee Nac Naca in si sharuud la’aan ay uga mid noqonayan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwa dhaawacooda daran yahayna shaqooyin kale ay dawlad siineyso marka ay xaaladooda soo hagaagto.
Xafiiska Aragticusub Muqdisho
Info@aragticusub.com