Madaxda Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa xalay ay kulan sagootin ah Muqdisho ugu sameeyeen Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii lagu gaaray heshiiska doorashada.
Kulanka oo ka dhacay mid kamid ah Hoteelada ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid ay ugu mahad celinayeen maadaama ay gaareen heshiis la xiriira khilaafka ka taagnaa doorashada.

Munaasabadda sagootinta oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale ayaa loogu mahad celiyay Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana Musharixiinta ay ka dalbadeen madaxda inay fududeeyaan dhaqan gelinta heshiiska.
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabada sagootinta madaxda maamulada, ayaa adkeeyay dhaqangelinta heshiiska doorashada, isaga oo balanqaadey in ay si weyn ugu taageereyaan saxiixayaasha fulinta arrinkaas.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxda dowlad Goboleedyada ay dib ugu laabtaan degaannadooda si ay u bilaabaan dhaqan gelinta heshiiska doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com