shaqsigii horkacayay afgembigii Mali oo mar kale awoodda la wareegay

Millateriga dalka Mali ayaa shaaciyay in meesha laga saray xilalkii ay hayeen madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Bah Ndaw iyo ra’iisal wasaaraha dallkaasi Moctar Ouane.
Labada hogaamiye ayaa lagu hayay saldhig millateri oo ku yaalla duleedka magaalada Bamako tan iyo markii la xiray Isniintii.
Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, madaxweyne ku xiigeenka dowladda ku meel gaarka ah ayaa madaxdaasi ku eedeeyay inay ku fashilmeen hogaaminta isla markaana ay doonayaan inay carqaladeeyaan dowladnimada.
Ururka dalalka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa canbaareeyay xarigga hogaamiyaashaasi, waxayna sheegeen in ay wefdi u diri doonaan dalkaas
Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Mali ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo madaxweyne Bah Ndaw iyo Ra’iisul Wasaare Moctar Ouane, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in labadoodaba ay xireen militariga.
Qoraal Twitter-ka lasoo dhigay (oo ku qoran luuqadda Faransiiska) ayay diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay sidoo kale ku codsadeen in xasilooni laga sameeyo waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika.
Xarigga mas’uuliyiinta ayaa yimid saacado kaddib markii isku shaandheyn lagu sameeyay dowladda, taasoo sababtay in xilalka laga baddalo labo sarkaal oo ka tirsan xubnaha sar sare ee militariga ee ka qeyb qaatay afgambigii sanadkii hore.
Lataliyaha sare ee madaxweyne ku xiigeenka dalkaasi ee Baba Cise oo ka hadlay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in doorashada ay qabsoomi doonto sanadka soo socda.

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa sheegay in aanana ;lagalal tashanin isku shaandheynta golaha wasiirada, taas oo uu ku sheegayo in isaga loo magacaabi lahaa madaxweyne ku xigeen.
Kadib afgembigii sanadkii hore hogaamiyahan milatariga ah ayaa doonayay in uu hogaamiyo dowladdan ku meel gaaraka ah ee qabanqaabinayso doorasho inay dalkaasi ugu dhacdo muddo 18 bilood islamarkaasina xikunka dib loogu celiyo rayidka. Ururka ECOWAS ee heshiiskaasi marki hore garwadeen ka ahaa ayaa weli wuxuu ku doodaya in xukunka shacabka lagu soo celiyo.
Balse Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, ayaa ah ninka ugu awoodda badan dalkan aan xasiloonida lahayn eek u yaala galbeedka afrika.

Xafiika Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com