Wararka naga soo gaaraya gobolka shabeelah Dhexe ayaa sheegaya in Labo askari ay ku geeriyoodeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay miino la qaraxday baabuur ay saarnaayeen oo marayay duleedka bari ee magaalada Jowhar.
Baaburka ay miinada la qaraxday ayaa ka mid ahaa Gaadiid ku sii jeeday deegaanka Qoordheere oo ka tirsan degmada Raagge Ceelle ee gobolka shabeelaha Dhexe.
Kolonyada gaadiidka ayaa waxaa mas’uuliyiintii la socotay ka mid ah Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.
Wararka ka imanaya deegaanka Qoordheere ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ku dhex maray ciidamada dowlada iyo Xubno ka tirsan Alshabaab.
Sarkaal lagu magacaabo Ciilaawe oo ka mid ahaa ciidanka la socday Kolonyada gaadiidka ee u socday Degaanka Qoor dheere ayaa ka id noqday Xubnihii ku geeriyooday Qaraxa ka dhacay Bariga magaalada Jowhar
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com