Maxkamadeynta rag loo heysto dilka Guddoomiyihii degmada Hodan oo mar kale bilaabatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ay mar kale bilaawday dhageysiga kiiska dilka ahaa ee horaantii Bishii Janaayo ee sanankan 2021 Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa Maxkamadda ka horjeediyay cadeymaha loo haayo eedeysanayaasha ku lugta lahaa dilkii Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay baaraha kiiska, waxaana uu Maxkamadda kusoo bandhigay mar kale baaritaanadii ay sameeyeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo maxkamada Furay ayaa sheegay in maanta ay tahay markii labaad oo la dhageysanaayo Kiiska si uu caddaalad u helo Marxuum Dhagajuun.

21-kii Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir dixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun waxaa lagu dilay Isgoyska loo yaqaan Jid Mareexaan kadib markii Gaariga uu saarnaa ay rasaaseeyeern Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com