Wabiga Shabeelle oo markale fatahaad horleh sameeyay {AKHRISO}

Wabiga Shabeelle ayaa markale waxaa saacadihii la soo dhaafay uu fatahaado horleh ka geystay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Maamulka Hir-Shabeelle iyo degaano hoostaga.

Degaannada uu sida weyn fatahaada Wabiga Shabeelle uga sameeyay ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa kamid ah, Moyko ,Baaroow, Xaanshooley & libiga, halkaas oo dadkii deganaa ay ka baraceen.

Dalagyo dhowr ah oo ku yaallay Beeraha tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay in Wabiga uu baabi’iyay, iyada oo dadkii ku noolaa badi ay ka barakaceen, isla markaana ay tageen magaalada Jowhar.

Wararka ayaa waxaa sidoo kale ay sheegayaan in Xaafadaha qaar ee Magalada Jowhar uu Wabiga dhigay, isla markaana wax Gaadiid ah aysan geli Karin Magaalada Jowhar kana soo bixi karin Magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Jowhar ayaa waxa dadka ku nool ay sheegeen in Wabiga fatahaada uu si weyn u sameeynayay, taasin ay sababtay in Magaalada jowhar ay Go’doon gasho.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Jowhar & qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa ay wadaan dadaal ku aadan sidii Biyaha Wabiga loga celin lahaa Gudaha Magaalada si uusan dhibaato ugu geysan Guryaha iyo Bulshada Magaalada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com