Khasaaro ka dhashay weerarkii Yahuudu ku qaaday masjidka Qudus

Ugu yaraan 205 Falastiiniyiin ah iyo lix sarkaal oo booliska Israa’iil ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil.

Intooda badan dadka ayaa ku dhaawacmay Masjidka Al-Aqsa, halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo iyadoo Falastiiniyiintuna ay tuurayeen dhagxaan iyo dhalooyin.

Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka.

Bisha Cas ayaa waxay furtay isbitaal lagula tacaalo dhaawacyada. Dhismaha masaajidka Al-Aqsa ee ku yaal magaalada Qudus waa mid ka mid ah goobaha barakaysan ee diinta Islaamka aad looga ixtiraamo , laakiin sidoo kale Yuhuudda ayaa iyagana u aqoonsan goob barakaysan oo ay leedahay, oo ay u yaqaanaan Macbadka Mount.

Booliska Israa’iil ayaa isku dayey inay kala eryaan dadka cibaadaysanaya gudaha aagga Haram al-Sharif ee Masjidka Al-Aqsa Jimcihii, iyagoo adeegsanaya bambooyin iyo bambooyin gaas ku jira.

Booliska ayaa weeraray muslimiinta ku cibaadeysaneysay gudaha Masjidka Al-Aqsa, xilli ay cibaadeysanayeen salaada taraawiixda habeenkii ugu dambeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in 88 ka mid ah Falastiiniyiinta dhaawaca ah loo qaaday isbitaalka halka booliskuna ay sheegeen in qaar ka mid ah lixda sarkaal ee dhaawacmay ay u baahan yihiin daaweyn caafimaad.

Masaajidka Al-Aqsa waa goobta saddexaad ee ugu quduuska badan Muslimiinta. Yuhuuddu waxay aagga ugu yeeraan “Macbadka Buurta,” iyagoo ku andacoonaya inay ahayd goobtii laba macbud oo Yuhuuddu lahaayeen waqtiyadii hore.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale codsatay in xaaladda la dejiyo taas oo markii hore ka dhalatay hanjabaadii qoysaska reer Falastiin ee ku nool Bariga Magaalada Jerusalem ee Shaikh Jarrah looga saaray guryahooda.

Afhayeenad uhadalay wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay in Washington “ay aad uga walaacsan tahay xiisadda kacsan”.

Isuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee geeddi socodka Nabadda Bariga Dhexe, Tor Vennesland, wuxuu ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay “ixtiraamaan goobaha barakaysan ay ku sugan yihiin ee ku yaal Magaalada Qudus.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Israa’iil ay joojiso barakicinta isla markaana ay xakamayso adeegsiga awoodda ee ka dhanka ah dibadbaxayaasha.

Israa’iil waxay qabsatay Bariga Qudus tan iyo dagaalkii 1967 ee Bariga Dhexe waxayna doonaysa in magaalada Qudus loogu aqonsado inay tahay caasimaddeeda, in kasta oo aan laga aqoonsanayn inta badan caalamka. Falastiiniyiintu waxay ku andacoodaan Bariga Qudus inay tahay caasimadda mustaqbalka ee dowlad madax banaan oo rajo laga qabo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com