Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray dalka Sacuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isaggoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka,si uu u soo Cumreysto.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jeddah kusoo dhoweeyey madax ka tirsan boqortooyadda Sacuudiga Carabiya , waxaana lagu wadaa Ra’iisul wasaaraha inuu kulamo xubno ka tirsan madaxda Boqortooyada Sacuudi Carabiya .

Maalmaha dambe ee ka harsan bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa Ra’iisal Wasaare Rooble uu ku soo cibaadeysan doona Magaalooyinka Makka Almukarrama iyo Madiinatul Munawwarah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com