Alle ha Unaxariisto Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo maanta Muqdisho ku geeriyooday

Magaaladda Muqdisho Waxaa maanta ku  geeriyooday Alle ha u naxariistee Ex Xildhibaan ahaana rug-caddaagii Dublamaasiyadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Ambassador Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil.

Cabullaahi Shiikh Ismaaciil ayaa in ku dhow 60 sanadood u shaqaynayey dalkiisa, waxaa la sheegay in 1967-dii uu siyaasadda si toos ah u soo galay isaga oo isu sharaxay Xildhibaan, iyaddoo xilligii Cigaal ahaa Raisal Wasaaraha, sanadihii todobaanaadkii iyo siddeetamaadkii uu Safiir ka noqday waddamo badan, weliba xilliyo adag.

Labaatan sano ayuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxu soo noqday Ra’iisal Wasaare ku xiggeen, sidoo kale wuxu dhawr jeer noqday Wasiir, isaggoo xilligii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu noqday Wasiirka Arimaha Dibadda, iyo sidoo kale xilligii Madaxweyne Xassan Sheekh oo uu  noqday Wasiirka Gaadiidka.

Amb. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu ahaa cabqari, karti iyo aqoon badan, wuxuu kamid ahaa danjireyaasha isku turjuma luuqadaha adduunka gaar ahaan Carabiga, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Soomaaliga oo uu si isku mid ah ugu hadli jirey.

Waan jeclaa sheekadiisa iyo la joogiddiisa, Wuxu ahaa encyclopedie soconaya, Wuxu Safiir ka ahaa Yemen xilligii dagaalkii 1977, waxuunu ka qayb galay shirkii taariikhiga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Siyaad, Mengistu Haile Mariam iyo Fidel Castro ee Cadan.

Ilaahey ha u naxariisto Danjire Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii, Golaha Shacabka ee uu muddada dheer ka tirsanaa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee noloshiisa oo dhan u hibeeyey.

W/Q Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com