faafaahin:Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay.

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.
Qofka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Aweys Cumar Salaad ayaa sidoo kale waxaa uu ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, waxaana lagu dhex-dilay Gurigiisa oo ku yaal degmada Wadajir.

Hoggamiyaha Xisbiga Dan Qaran ahna Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska iyo Ehellada uu ka baxay Marxuum Aweys Sheekh Cumar Salaad.
“ Guddoomoyaha Xisbiga Dan Qaran danjire Dahir Mohamud Gelle iyo xubnaha xisbiga waxay murugada la qabsanayaan una tacsiyeynayaan qoyska iyo xubnaha Xisbiga geerida ku timid Allaha u naxariistee marxuum Aweys Sheekh Cumar Salaad oo ka tirsanaa xubnaha xisbiga Dan Qaran ee Muqdisho ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Xisbiga Dan Qaran.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Asluubta iyo Xisbiga Dan Qaran, hayeeshee dilalka qorsheysan ee gaadmada ah ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho
aragticusub@gmail.com
nfo@aragticsub.com