Go’aano laga soo saaray Shir lagu heshiisiinayay Soomaalida & Oromada

Waxaa magaalada Jig-jiga ee dowlad degaanka Soomaalida lagu qabtay shir lagaga wada xaajoonayo adkaynta nabadgelyada deegaannada Soomaalida iyo Oromada.
Shirka oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday labada dawlad deegaanka ee Soomaalida iyo Oromada ayaa ujeedkiisu ahaa adkaynta iyo xasilinta nabadgelyada shacabka dega xudduudaha labada dawlad deegaan ee gobollada Siti iyo Faafan ee Deegaanka Soomaalida iyo gobollada galbeedka iyo bariga Hararge ee Deegaanka Oromada, halkaas oo ay ka dhaceen dagaalo culus.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hoggaannada nabadgelyada deegaannada Soomaalida iyo Oromada, guddoomiyeyaasha gobollada Siti, Faafan ee Deegaanka Soomaalida, guddoomiyeyaasha gobollada bariga iyo galbeedka Hararge ee Deegaanka Oromada, guddoomiyeyaasha degmooyinka deriska ah qaar ka mid ah ciidanka xoogga gaarka ah ee labada dawlad deegaan iyo mas’uuliyiin kale.
Kulankan oo inta uu socday si adag wax la iskaga waydiinayey dhibaatooyinka ka soo cusbnoonaan kara shacabka labada dhinac iyo xalkooda ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano ay ka mid yihiin:
In shaqsiyaadka fal-dambiyeedka geysta sharciga la horkeeno labada dhinacba.
In la qabto kulammo deg-deg ah oo looga hadlayo xaaladaha taagan.
In shacabka labada dhinacba shirar joogta ah lala yeesho, lana dhageysto tabashooyinkooda.
Degaano kamid ah Gobolada Siti iyo Faafan ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac & barakaca Boqolaal Qoys.

 

Xafiiska wararka Muqdisho
aragticusub@gmail.com
nfo@aragticsub.com