Midowga Musharaxiinta oo soo dhoweeyey go’aanka RW Rooble loogu Wareejiyey Amniga iyo Doorashooyinka

Midowga musharaxiinta ayaa  soo dhoweeyey go’aanka Madaxweyne Farmaajo  ugu wareejiyey Arrimaha doorashooyinka Ra’iisul Wasaare Rooble,

Qoraal ay soo saareen golahamusharixiinta  ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  in uu si wanaagsan u qaato doorkiisa hogaaminta arrimaha doorashooyinka iyaga oo codsaday in uu dhex dhexaad u noqdo dhinacyada doonaaya In ay ku tartamaan xilka madaxtinimada Dalka

Midowga Musharaxiinta ayaa balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul wasaarahaSoomaaliyab  si loo gaaro hadafka ah hirgalinta doorasho wadar ogol ah oo saldhigeedu yahay heshiiskii 17-kii September oo ay wada gaareen dowladda Soomaaliya madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdsho

Info@aragticusub.com