magaalada Hargeisa xalay Fiidkii waxaa ka baxsaday Libaax uu Xanaaneeyo Cali Maxamed Waran Cadde, Waxaana uu dhaawacay Haweenay kasoo jeeda Qoomiyadda Oromada.
Qof ka mid ah dadkii goobta kasoo qaadayHaqweeneyda ayaa Warbaahinta u sheegtay inuu dhaawacu kasoo gaaray Qaybta dambe ee dhabarka iyo Madaxa , oo Libaaxu uu ka Qabsaday, Waxaana Haweeneyda dhaawaca ah a lagu dawaynayaa isbitaalka magaalada Hargeisa.
Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa ku howlan Sidii loo soo qaban lahaa Libaaxa Baxsaday, Waxaa sidoo kale Bulshada looga digayaa inay Taxadar buuxa ka sameeyaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com