Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Muqdisho

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Qaraxa uu burburiyay darbiga Xerada, isla markaana khasaaro dhimasho iho dhaawac ah ay ku noqdeen dad Shacab ah oo badankood saarnaa Mooto Bajaaj Goobta mareeysay.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Alshabaab aysan ku guuleysan ujeedkooda oo ahaa in ay gaariga waraxa siday gudaha Xerada geliyaan, balse darbiga Xerada oo ah mid adag uu dhaafi waayay sidaasina uu ku qarxay.

Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya weli sirasmi ah uma shaacin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxaas.

 

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com