Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan sheekh oo fariin u diray Ciidamada Qaranka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ‘  khilaafka doorashada  iyo dhaqdhaqaaqyada Ciidan eek a jira Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in  marar badan ku cel-celiyeen digniinta la xiriirta in aan la siyaasadeyn ciidamada Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada inay iska diidaan wax-kasta oo ka hor imaanaya Dastuurka.

”Aniga dhowr jeer waan ka digay in la siyaasadeeyo Ciidamada, waana aragteen wixii dhacay, waxaana ku mahadsan Ciidamadii diiday in loo adeegsado wax aan Dastuurka ogoleyn, waxaana ugu baaqayaa Ciidamada inay iska diidaan wax kasta oo ka hor imaanaya dastuurka ayuu yiri’ Xasan sheikh Maxamuud.

Hadalkaan ka soo baxay Madaxweynihii hore e Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dhawaan weerar lagu qaaday hoygiisa uu u Eedeeyay I u ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo balse wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa beeniyay in  dawlada ay weerartay Hoyga Xasan sheekh

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com