Dadka ka barakacaya degmooyinka Gobolka Banaadir oo kordhay

Dad horleh ayaa ka barakacay Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka  cabsi qaba inay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Millateriga ah ee taageersan  Mucaaradka.

Degmooyinka sida weyn looga barakacay ayaa waxaa kamid aj degmooyink, Hodan, Howl-wadaag, Wartananada, Boondheere iyo qeybo kamid ah degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Sawiro laga soo qaaday dadka barakacaya ayaa la arkayaa, iyaga oo Madaxa ku sitay alaabtooda halka qaarkood ay Gawaarida noocyadooda kala duwan ku raranayeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Kucaaradka ayaa iski horfadhiya degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyada oo la filan karo in uu dagaal ka dhex bilaawdo.

Dowladda Soomaaliya iyo Musharixiinta Mucaaradka ayaa isha ka daawanaya dadka barakaxooda ay sababta u yihiin, iyada oo sidoo kale ay jiraan Xaafado horleh oo laga barakacayo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com