Dhageyso: Salaadiinta Koofur galbeed oo ku baaqay in la joojiyo Colaada ka jirta Muqdisho

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim oo ka mid ah wax garadka Koofur galbeed ee ku  sugan Magaalada Muqdisho ayaa baaq ka soo saaray  colaada ka jirta Muqdisho

Suldaan Shariif Cali Xasan Ibraahim ayaa ugu baaqay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka in ay dagaalka joojiyaan wadahadalna lagu xaliyo khilaafka taagan .

Dhinaca kale Suldaan Shariif ayaa sheegay in talada dalka Hawiye kaliya aysan ku koobneyn oo la wada lee yahay waxaana uu ugu baaqay dhammaan madaxdaDawlada iyo  Mucaaradka in ay ka heshiiyaan wax walba oo dhibaato u keeni kara shacabka Soomaaliyeed.