UNHCR oo ka hadashay go’aankii ay Kenya ku xireysay xeryaha qaxootiga

Masuul sare oo hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan xiri doonin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma laakiin ay dooneyso in xal loo helo.

Filippo Grandi oo booqanayay dalalka DR Congo, Rwanda iyo Burundi, isaga oo kormeeraya dhibaatooyinka xilligan haysta qaxootiga ku sugan gobolka.

Bishii la soo dhaafay, Kenya waxay siisay 14 maalmood oo kama-dambeys ah inay ku xiro xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma, iyadoo ku andacooneysa walaac xagga amniga qaranka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilligaas sheegtay in aanay jirin waddo kale o u furan.

Mr Grandi ayaa u shegay warbaahinta in “wadahadal aad u wanaagsan ay la yeesheen dowladda Kenya”.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com