Dhageyso : Dr Xasan sheekh Cali 7 qodob oo ayay ku guuldareysatay Dawlada Farmaajo

Dr Xasan sheekh Cali  oo ka mid ah Aqoonyahanada Somaaliyed ee ku  nool Magaalada Muqdisho ayaa shaaca a qaaday in dawlada Madaxweyne farmaajo ee waqtigeeda uu dhamaaday ay ku guul dareysatay 7 qodob  si doo kalena ay wajahayso culeysyo  dhaqaale oo caalamka uga imaanaya

Dr Xasan sheekh ayaa sheegay in Caalamka uu dhaqaalihii ka joojiyay dawlada Soomaaliya ee waqtiga uu ka dhammaaday haddana ay shacabka Soomaaliyeed caawinaad ay dooneyso in ay weydiisato isaga oo sheegay in aysan xaq u lahayn in shacabka ay canshuurtooda ku bixiyaan dawladaan oo aanan sharci ku joogin dalka .

Ugu Dambeyntii Dr Xasan sheekh Cali Nuur ayaa shaaca ka qaaday  in dhibaatooyinka ay wajahayso Dawladaan ay tahay Muddo kororsiga aan sharciga ku fadhin ee ay sameeyeen xildhibaanada waqtigooda uu dhammaaday ee Mursal uu Hogaanka u Haayo.