Waa Maxay go’aanka dawlada Soomaaliya ay ka diiday Midowga Afrika?

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya  Cabdifitaax Qaasim, ayaa sumcad-dil ku tilmaamay go’aanka Midowga Afrika ee ku aaddan in lala socdo dhaqdhaqaaqa ciidamada Soomaaliya, inta uu jiro khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira .

Wasiirka ayaa sheegay in waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidamada Soomaaliya, balse shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan xarumaha dowladda iyo madaxda dalka.

AU-da waxa ay soo saartay in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, AMISOM shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha dowladda, madaxda iyo la dagaalanka argagixisada” ayuu yiri’  wasiirka.

Warkaan ayaa ku soo beegmaya xilli midowga Afrika uu diiday go’aanka muddo kordhinta dawlada

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com