Taliska maraykanka ee Afrikom oo ka hadlay saameynta Alshabaab ay ku lee yihiin Soomaaliya

 

Taliyaha Ciidanka maraykanka ee AFRICOM General Steph Townsend ayaa khamiistii u sheegay golaha Senete-ka Mareykanka in welwelka ugu badan ee haatan ka jira Soomaaliya aanu aheyn Al-Shabaab, laakiin uu yahay deganaan la’aanta siyaasadeed ee aan xallin karin caqabadaha.

Caqabadahaas ayuu sheegay kuwa ka dhex aloosan dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ee aan laheyn tanaasulka, kuwaas oo salka ku haya kordhinta muddo xileedka madaxweynaha oo uu ku sheegay inay ka baxsantahay dastuurka Soomaaliya.

Jeneraalkan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka maamulkii Trump ee ku aadan ka soo saaristii ciimadama Mareykanka ee joogay Soomaaliya uu abuuray caqabado hor leh oo ku aadan la dagaalanka  Al-Shabaab.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com