Hawlgalka Ciidanka Amisom oo la hoos geeyay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka madaxda Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaaliya ayaa ka qeybgalay Kulan laba maalmood ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho,isla markaana lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray dhinaca waxqabadka ciidamada iyo  amniga Soomaaliya.

Kulanka  waxaa ka qeyb galay,Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa yuusuf Raage ,wakiilo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya), taliyayaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya,kuwa AMISOM,saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliyam iyo Saraakiil ka tirsan howlgalka  UK  ee Soomaaliya .

Taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Amisom ayaa isku raacay in la dajiyo qorshe ay ku midoobaan si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah mintidiinta,iyadoo sidoo kale isku afgartay in horay loo dhigo doorka ku aadan sugidda amniga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com