Tallaalkii labaad oo Maanta la keenayo Muqdisho & DFS oo la wareegeysa

Dowladda Shiinaha ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso 200.000 oo ah talaalka Cudurka Safmareenka ah ee COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.
Dhawaan Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka COVID-19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha lagu keenayo Soomaaliya.

Amb, Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda Shiinaha ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hortagaan.
Horay Soomaaliya ayaa waxaa loo keenay tallaalka Oxford/Astrazenica oo dhan 300,000 qiyaas oo loogu talagalay shaqaalaha safka hore si jirkooda uu u helo difaaca kahortagga Fayruska.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com