Filibiin oo ka joojisay isticmaalka tallaalka AstraZeneca COVID-19 dadka ka yar 60 sano

Masuuliyiinta caafimaadka ee Filibiin ayaa khamiistii joojiyay isticmaalka talaalka AstraZeneca’s COVID-19 ee dadka kayar 60 sano si loo baaro warbixinada dhiiga xinjirooyinka ee ka imanaya dibada.
Joojinta ku-meel-gaarka ah waxay timid ka dib markii Wakaaladda Daawada Yurub ay ku talisay in lagu daro xinjirowga dhiigga oo ah saameyn dhif ah oo ka timaadda tallaalka AstraZeneca.

Madaxa Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka Rolando Enrique Domingo ayaa ku dhawaaqay go’aankaan waxaana uu sheegay in wali ay socdaan baaritaano ku saabsan cudurka iyo sida loo heli karo talaal nadiifin ah.
“Hakintaan kumeel gaarka ah micnaheedu maahan in talaalku yahay mid aan badbaado lahayn ama aan waxtar lahayn – kaliya waxay ka dhigan tahay inaan qaadayno talaabooyin taxaddar leh oo lagu hubinayo badbaadada qof walba oo Filibiin ah,” ayuu yiri Domingo.
Waddanka Koonfur-bari Aasiya, oo la dagaallamaya mid ka mid ah cudurrada ugu xun ee coronavirus ee ka jira Aasiya, ayaa ku xisaabtamaya xawaareynta tallaalka oo gaabis ah si looga caawiyo yareynta cadaadiska isbitaalada .
Filibiin waxay ilaa iyo hada heshay 525,600 qaadasho oo ah talaalada AstraZeneca, qiyaastii shan meelood meel wadarta wax soo saarka dalka, iyada oo loo marayo xarunta COVAX. 2.6 milyan oo daawo oo kale ah, oo ay soo iibsadeen shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayaa la keeni doonaa bisha soo socota.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com