Rooble oo Isbitaalka ku booqday Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga ku booqday askarta ciidanka xoogga ee ku soo dhaawacmay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu askarta uga mahadceliya sida geesinimada oo ay isaga difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isaga oo u ballan qaaday in dowladdu u heellan tahay daryeelkooda.
Qaar ka mid ah askarta dhaawaca ah ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com