faafaahin:Qarax lala eegtay Ciidamo Kenyan ah.

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay qarax la beegsadeen Kolonyo Gaadiid ah o ay wateen Ciidamo Kenyan ah xilli ay marayeen duleedka Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi bari.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Kolonyada Ciidamada Kenya lala beegsaday xilli ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen duleedka Magalada lamu dhanka xaduud beenaadka Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayan in qaraxa mino uu haleelay gaari Xamuul ah oo ay wateen Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa.
Al-Shabaab ayaa warar lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera waxaa lagu sheegtay mas’uuliyada qaraxaas, waxaana ay sheegeen in qaraxa uu ku dhintay Darawalkii Gaariga Xamuulka ah askar kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Kenya ee qaraxa lala beegsaday ayaa furay rasaas xoogan taa soo aan weli la sheegay in wax khasaaro ah kasoo gaareen dadka Shacabka ah ee ku nool Aaga uu qaraxa ka dhacay.
Saraakiisha laamaha amniga Kenya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaas, hayeeshee waxaa xusid mudan in dhowr jeer degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari qaraxyo lagula beegsaday Ciidamo Kenyan ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com