Shil khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Burco

Shilka oo geystay khasaaro dhimasho ah iyo mid hantiyadeed ayaa waxaa uu xalay ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha magaalada Burco oo ah Xarunta gobolka Togdheer ee degaannada Soomaaliland.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Gaari Land Cruiser ah uu jiiray Mooto Bajaaj mareysay Xaafada Biriishka Deero ee Magaalada Burco, waxaana halkaasi ku dhintay wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray Cabdicasiis Siciid Xasan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in burbur xoogan uu soo gaaray mootada, iyada oo markii hore dhaawac ahaan loo qaaday wadaha mooto bajaajta, basle markii dambe uu geeriyooday.
Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Wadooyinka ee Soomaliland ayaa tegay halka shilka uu ka dhacay, iyaga oo gacanta ku dhigay Xabsigana dhigay wadihii Gaariga Land Cruiser ah.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Soomaliland kusoo batay shilalka Gaari, waxaana shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay ku geeriyooday Shacab iyo askar intaba.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com