Ciidamada Dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa waxaa la sheegay in howlgal saacado badan qaatay kadib ay sirasmi ah ula wareegeen degaano ku yaal Koonfurta Magaalada Dhuusa mareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudg, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay kula wareegeen degaannada kala ah Sinadhaqo iyo labi-dulle oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar weeraro fulin jiray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub iyo Sanaad Ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana dagaal ay la galeen ay ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan.

Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka JANERAAL Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa tilmaamey in Ciidamadu ay wali kusii raad joogaan Xubnaha Al-Shabaab oo ay degaannadaas kala wareegeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in degaannada Sinadhaqo iyo labi-dulle ay ahaayeen degaano ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan oo ay ka fuliyaan  jidka iskuxira Guriceel iyo Dhuusamareeb, balse haatan ay , iyaga amniga xaqiijin doonaan.

Dagaal shalay Gelinkii dambe degaanka Sinadhaqo ku dhex-maray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa waxaa lagu dilay Abaanduulihii Ururka 71-aad, Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Dhamme: Sayid Bicir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com