faafaahin:Askari dil iyo dhaawac u geystay Ciidamo uu ka tirsanaa Gobolka Gedo.

Wararka laga helayo degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in askari ka tirsanaa Ciidamadii dhawaan uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Wasiirkii Amnga Jubbaland uu dilay hal askari kuwo kalena uu dhaawacay.
Wararka ayaa sheegaya in askariga uu rasaas ku furay askarta kale oo ay ku wada sugnaayeen Xero Ciidan oo ku taal degmada Doolow, waxana halkaasi ku dhintay hal askari halka laba kale ay dhaawacmeen.

Dad ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa ayaa waxaa ay sheegeen in askariga falka dilka iyo dhaawaca ah geystay uu goobta ka baxsaday, waxaana sirasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeeysa in askariga uu rasaas la dhaco isla Ciidamaddii uu ka tirsanaa.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Dooloow ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayaan Askariga falka dilka iyo dhaawac ah geystay, kaas oo la sheegay in uu u baxsaday duleedka degmada Dooloow.
Maamulka Gobolka Gedo, kana degmada Dooloow iyo Saraakiisha Ciidamada wei kama hadlin falkaas oo ah mid ku cusub degmadaasi Dooloow, iyada oo ay layaab ku noqotay dadka ku nool degmadaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com