Shir looga hadlayo halista Cudurka Coronavirus oo ka furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmey Shir looga hadlayo halista uu leeyahay cudurka Coronavirus,kaas oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Shirka waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur,Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Madax kale.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigey calaamadaha lagu yaqaano Cudurka iyo siyabaha lagu kala qaado,iyada oo la isku weeydaarsanayo fikrado ku aadan sida looga hortegi karo.

Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Wasaaradda Gadiidka & Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho waxaa ay ka bilaawdey baaris lagu sameynayo dadka kasoo degaya Garoonka.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com