Sarkaal Ciidan oo ka badbaaday isku day dil

Sida ay soo werisay wakaaladda wararka  Ciraaq, laamaha amnigana ay xaqiijiyeen, Kaaliyaha Agaasimaha Sirdoonka Milatariga ee Wasaaradda Difaaca Ciraaq, Sarreeye Guuto Sayid Al-Maksuusi, ayaa ka badbaaday isku day dil oo ka dhacay agagaarka Buundada Diyala ee  koonfurta Baqdaad.

Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in seddex gaari oo nooca “Salvador” ah ay weerareen Al-Maksuusi xilli uu ka soo laabtay gobolka Waasid.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka nabadgalyada ay qabteen mid ka mid ah xubnahii isku xerka iyo abaabulka u qaabilsanaa kooxda weerarka geysatay  iyo seddex ka mid ah dableeydii weerarka soo qaaday.

Weerarkan ayaa yimid  xilli Ciraaq ay wali la dalai dhaceeyso dhibatooyin dhanka amaanka ah, in kasta oo ay socdaan olole amni oo joogto ah oo lagu doonayo in meesha looga saaro Kooxaha arga-gixisada ah ee ka dagaalamo dalkaas.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com