Madaxweynaha Argentine oo laga helay Karoona Fayras

Madaxweynaha dalka Argentine Alberto Fernandez ayaa sheegay in laga helay cudurka safmareenka ah ee karoona Fayras.

Madaxweynaha ayaa kusoo qoray bartiisa  Twitter-ka: “ Waxaan dareemay xanuun baaritaan leygu sameeyay kadib waxaa leyga baaray covid19, waana layga wargiliyay in leyga helay ”.

Madaxweyne Alberto Fernandez  ayaa intaas ku daray inuu hadda ku jiro karantiil, shaqadiisana kala socon doono qalabka la iska arko.

Madaxweyne Fernandez waa 62 jir, wuxuuna billaawgii sanadkaan qaatay  tallaalka Ruushka uu farsameeyay ee “Sputnik V”

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com