Deg deg Dagaal ka socda Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa degaannada Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen degaannada Bariire iyo Awdheegle, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen degaanka Bariire.

Qof kamid ah dad ku sugan degaanka Awdheegle ayaa sheegay in xalay ilaa saaka uu dagaal xoogan ka socdo degaanka, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gurmad ah ayaa waxa la sheegay inay gaareen duleedka degaan ka Bariire oo Al-Shabaab ay xalay dagaal kula wareegeen, isla markaana Ciidamada dowlada ay doonayaan inay degaankaas dib ula wareegaan.
Saraakiisha Ciidamada dowladda weli kama hadlin weerarkaas lagu qaaday saldhigyada Ciidamada dowladdaay ku leeyihiin Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com