Diiwaangalin lagu bilaabay askartii sida qarsoodiga ah loogu qaaday Eritrea{warbixin}

Diiwaangalin ayaa lagu bilaabay qeyb ka mid ah ciidamadii ay dowladda Soomaaliya sida qarsoodiga ah ugu dirtay dalka Eritrea sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidamada oo ehelkooda lasoo xiriiray.
Akartaan lama oga tiradooda saxda ah, balse marka ay diiwaangalintooda dhamaato ayey dib ugu laaban doonaan dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, mana la oga hadii dowladda ay soo laabashadooda iclaamin doonto.
Dadka qaar waxey leeyahiin waxaa suuragal ah in dowladda aysan shaacin soo laabashadooda isla markaana ay mar kale qaab qarsoodi ah uga soo dajin doonto garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
“Waxaa jira ciidamo aan wali loo dhameyn tababarka, kuwaas oo sii joogi doona dalka Eirtrea” ayuu yiri mid ka mid ah askarta halkaas joogta oo lasoo xiriiray ehelkiisa.

Ilo wareedyo ayaa fahamsan in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu halmar booqday askartaas, iyadoo aysan wali dowladda wax faah-faahin ah ka bixin askartaas la sheegay in si qarsoodi ah tababarka loogu qaaday.
Dhanka kale waxaa jirta in lasoo wariyay in askartaas ay ka qeyb galeen dagaalkii gobolka Tigraay, balse dowladda wey beenisay wax walba oo arintaas ku saabsan.
Soo laabashada ciidamadaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah, Farmaajo lagu eedeynaayo inuu rabo inuu xoog u adeegsado doorashada, isagoo fure ka dhiganaya ciidamada, waxaana jira walaac ay mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaar qabaan oo ah in la boobo doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com