Madaxweynaha Jubbaland oo Arrimaha doorashada kala hadlay Safiirka Sweden

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed  Islaam ayaa hoygiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada uu dalku marayo gaar ahaan Doorashada caqabadaha hortaagan iyo shirweynaha arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horay ula kulmay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana jira in weli aan wax heshiis ah laga gaarin Arrimaha doorrashooyinka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com