Waxay faah faahin ka soo baxaysaa qarax ay dad rayid ah ku dhinteen oo galabta ka dhacay Deegaanka Lafoole, oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Shan qof oo la socday gaarigan oo nooca raaxada ahaa ayay miinada kula kacday meel aan ka fogayn Isbitaalkii Xaawo Cabdi, iyadoona ay halkaasi ku geeriyoodeen dhammaanba dadkii gaarigaasi saarnaa, oo darawalkiina uu ka mid ahaa.
Dadkan oo ka yimid xaafadda Malable ee Degmada Wanlaweyn ayaa waxay ku sii jeedeen Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya shanta qof ee ku dhimatay qaraxa inay ku jireen wiil iyo gabar isu soo mehersaday Degmada Wanlaweyn, kuwaa oo markii horeba ka tagey Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Somaliya ay ciidankii ugu badnaa ku soo daadisay wadada isu xirto Muqdisho iyo Afgooye, si looga hortaggo weerarada Al Shabaab ee ka dhanka ah Injineerada Turkiga, ee dhiseysa wadadaasi.
Isla maanta dad kaloo aroos u socday ayay gaarigoodii miino ku haleeshay wadada xiriirisa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof, halka lix kalena ay ku dhaawacantay.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaasi loola dan lahaa gaari Cabdi Bille ahaa, oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda, hase ahaatee uu haleelay gaarigii ay rayidka la socdeen oo daba socday.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com