Itoobiya ku dhawaaqday kulan looga arrinsanayo biyo-xireenka GERD

Danjiraha Ethiopia u jooga Qaahira, Ambassador Markos Tekle Rike oo maanta Wareysi siiyey Idaacadda BBC World Service waxa uu sheegay in Wafuud ka kala socota Dowladaha Masar, Ethiopia iyo Sudan ay Kulan yeelan doonaan isbuuca ugu horeeya ee bisha soo socota ee April.
Danjiraha waxa uu intaasi ku daray inay Dowladaha Ethiopia, Masar iyo Sudan ka wada hadli doonaan xalinta Muranka ka taagan Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ka dhisayso meel ku dhow xuduudka u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Danjiraha waxa uu Wareysigiisa ku xusay inay saddexda Dowladood is-faham ka gaareen 80% Khilaafka saami-qeybsiga Biyaha Webiga Nile, waa sida uu hadalka u yiri, balse, Dowladaha Masar iyo Sudan waxay marar badan ka digeen Khatarta ka dhalan karta dhismaha Biyo-xireenka, iyagoo sheegay inay Nolosha dadkooda ku xiran tahay Biyaha Webiga Nile.
Dhinaca kale, Danjiraha Ethiopia u jooga Masar, Ambassador Markos Tekle Rike ma uusan sheegin goobta rasmiga ee uu Kulankaasi ka dhacayo iyo cidda soo agaasintay Shirkaasi.
Hadalka Danjiraha Ethiopia, Ambassador Markos Tekle Rike waxa uu ku soo beegmay hal maalin kadib, markii uu Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Saciid Xuseen Khaliil El-sisi ka digay in cawaaqib-xumo dhalan karto haddii uu Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD wax u dhimo saamiga Biyaha Masar ka hesho Webiga Nile.
Madaxweynaha oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Ismaaciiliyah waxa uu carrabka ku dhuftay inuusan cidna baqdin gelinaynin, balse uusan qofna awood u lahayn inuu qaato dhibic ka mid ah Biyaha dalkiisa.
Madaxweynaha Masar waxa uu cod qayaxan ku sheegay in Saamiga Masar ee Biyaha Nile uu yahay Khad Casaan oo aan lagu soo xad-gudbi Karin.
Muranka Dhismaha Biyo-xireenka Dib-u-curashada Ethiopia ee GERD iyo saami-qeybsiga Biyaha Webiga Nile waxa uu soo taxnaa in ka badan 10-sano, welina mabda’ ahaan wax Heshiis Rasmi ah lagama gaarin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com