Munaasabad Lagu daah-furayay Shirkada Gob-som oo lugu qabtay Dalka Turkiga.

Xaflad lagu daah-furay shirkad ay dhidibada u aaseen ganacsato dhalinyaro Soomaaliyeed, looguna magac daray Gob-som ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Munaasabada oo ahayd mid si qurux badan loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Sheekh Maxamed Maxamuud, Ardey, Odayaal, Haween iyo ganacsato Turki ah oo dhammaantood lagu marti qaaday xafladaasi.

Maxamed Maxamuud Baradho oo ah agaasimaha shirkadda gob-som ayaa sheegay in shirkadoodu ay tahay shirkad Soomaaliyeed, isla markaana ujeedka ay u aas aaseen ay tahay baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ay u qabto wax soosaarka.

Maamulaha shirkadda Gob-som Axmed Jalwa ayaa dhankiisa si diiran ugu soo dhaweeyey Soomaalida Turkiga furitaanka shirkadda, isagoo kaga mahadceliyey sida quruxda badan ee ay uga soo qeyb galeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sidoo kale mas’uuliyiintii kale ee xaflada hadalada kooban ka jeediyey ayaa waxay bogaadiyeen fikirka ganacsiga dhalinyaradda Soomaaliyeed waxayna rabbi uga rajeeyeen inay ku guuleestaan daahfurka goobtooda ganacsi ee cusub. Haday codod kale jiraan halkaas ku cab.

Xafiiska Wararka  Aragti-cusub Istanbul

Info@aragticusub.com