Xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka waqtigiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa ansixiyay labada xubnood ee kamid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha.
136 xildhibaan ayaa taageeray labadaasi xubnood halka 3 xildhibaan ay ka aamustay.
Kulanka ajandihiisu wuxuu ahaa Covid19 iyo in xildhibaannada ay u codeeyaan laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo sharciga qaxootiga qaranka.
Hase ahaatee Xildhibaanada baarlamanka ayaa maanta looga shakiyay in muddo kororsi ay u sameeyn rabeen Madaxweyne Farmaajo balse taas mesha ayay ka baxday.
Dhinaca kale,
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanadii laga mamnuucay inay ka qeybgalaan shan kal fadhi ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka hor istaageen in uu galo baarlamaanka.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com