Maamulka Somaliland oo Albaabada u laabaya Dugsiyada Waxbarshada

Wasaaradda waxbarashada maamulka Somaliland ayaa shaacisay in bartamaha bisha soo socota muddo laba bilood ah la xirayo dugsiyada waxbarashada xilli uu deegaannadaas si ba’an ugu faafayo xanuunka Covid-19.

Kiisaska cudurkaas ee laga diiwaangeliyo Somaliland ayaa hadda ka badan kuwii bilihii la soo dhaafay.

Wasiirka waxbarashadaSomaliland  wuxuu sheegay in laga bilaabo 13-ka bisha April la fasaxi doono dhammaan dugsiyada ku yaalla Somaliland.

Arintaan ayaa imaaneysaa xilli Somaliland uu fara ba’an ku haya cudurka Covid-19 iyo abaaro baahsan oo saameeyay howlaha waxbarashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com