Wararka ka imaanaya xerada Xalane ayaa sheegay shirar gooni gooni ah iyo mid Guud oo u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ay ka socdaan Halkaasi.
Madaxda Dawlada goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ee ku shiray xalane ayaa si xooggan uga dooday xal rasmi ah oo laga gaaro khilaafka doorashada
Xog ay heshay warbaahinta aragticusub ayaa sheegaysa in Madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ay kalsooni darro ka muujinayaan Damaca madaxweyne Farmaajo arimaha doorashooyinka dalka , ka gadaal weerarkii 19-kii Febraayo ee lagu beegsaday banaanbixii midowga musharixiinta oo doonayay in si nabdoon Muqdisho ugu dibad baxaan.
Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu doonayo inuu ilaaladiisa la tego goobta shirka, taasi oo Deni iyo Axmed Madoobe ay Diideen
Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ku adkeysanaya in shirka lagu qabanayo Teendhada Afisiyooni uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda Siyaasadeed ee Dalka ,Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.
Dhinaca kale Madaxda Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyagu Taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa wada dadalo ay ku yareeyaan khilaafka ka dhex Jira Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe , si heshiis looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com