Wararkii ugu dambeeyay Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ay ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa

Xaruunta Villa Hargeysa oo ay ku shiraan Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta waxaa la geeyay Ciidamo hubeysan oo dharcad wata

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa walaac ka muujiyay ciidankaasi dharcadka ah ee xarunta villa hargeysa la geeyay

Halkaas ayaa lagu wadaa in uu ka furmo kulanka xildhibaanada golaha shacabka balse xildhibaanado qaarkood ayaa diiday in ay saxiixaan Ajandaha kulanka maadaamaa aysan iyaga  Ogeyn waxa ku hoos duugan in ciidamo dharcad ah la keeno xarunta villa Hargeysa oo Xildhibaanada ay ku shiraan.

Xildhibaano badan ayaa ayaa Aaminsan in baarlamanka sababta laysugu yeeray ay tahay muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Farmaajo taas oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com