UK oo diiday in ay taageerto muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha Dawlada Soomaaliya

Dowladda UK ayaa sheegtay in aysan taageereynin tallaabo kasta oo Soomaaliya u horseedi karto in laga qabto doorasho aanan loo wada dhaneyn ama mid barbar socota.

“UK ma taageereysp tallaabooyin horseedi kara in la qabto doorashada aanan loo wada dhaneyn ama doorashada barbar socota ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay safaaradda UK ee Soomaaliya.

Wasiirka Uk ugu qaabilsan Afrika ayaa warkaan Twiitterka soo dhigay isaga oo ka digay muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha Dawlada.

Hadalkan UK ayaa kusoo beegmayaa xilli beesha caalamka ay Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg ah ay ku qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com