Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka digay khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka

Musharax Madaxweyne Jabrill Ibraahim Cabdulle ayaa oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka warramay arrimo badan oo la xiriira xaaladda dalka iyo arimaha doorashooyinka.

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad aad u adag  ka dib markii laysku fahmi waayay arimaha doorashooyinka dalka

Musharax  Jabriil ayaa sidoo kale ka warbixiyay kulamo uu la yeeshay  beesha caalamka, madaxda maamul goboleedyada iyo RW Maxamed Xuseen Rooble oo uu kala hadlau qabsoomida doorashooyin loo dhan yahay.

“Haddii aan xal la helin, oo aan xal laga gaarin, arrinta doorashooyinka, waxay keeni doontaa, in Awooddii aan heshiis ku gaari lahayn, iyo awooddii aan dalkeeni annaga hoggaan ugu noqon lahayn ay shisheeye gacanta u gasho,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Musharax Jibriil ayaa ku baqay in aan lagu kala tagin arinta doorashada oo xal laga gaaro.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com