Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa shaaciyay in Dowladda Kenya isku qaldeyso arrimaha siyaasadda ee kala dhaxeeysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Arrimaha bani’aadanimada.
Wasiir Dubbe oo la hadlayay lanta Afka Soomaaliga eeBBC-da ayaa sheegay in Qaxootigaas Soomaalida ah ay sharciyad ku joogaan Xeryahaas, isla markaana dowladda Kenya ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka hesho Mallaayiin Doolar.
Dubbbe ayaa sheegay Kenya arrimo siyaasadeed ay dooneyso inay ku xirto Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma markii looga adkaaday Arrimaha siyaasadda sida Badda iyo Arrimaha Jabhadaha.
Wasiir Dubbe ayaa Ugu baaqay dowladda Kenya in ay dib uga laabato go,aanka , isla markaana aysan siyaasadeen Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo.
Dawlada Kenya ayaa sheegaty in ay xireyso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee Dalka Kenya Halkaas oo ay joogaan kumanan qaxooti oo Soomaali ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com